Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:- Xukuumadda Somalia oo ka hadashay Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa cambaareeyey qaraxii saaka ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Banaadir kaasoo lala beegsaday gaari uu la socday General Maxamed Xaashi Guuleed.

Afhayeen Macalimuu oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Alle Caafimaad uga baryay inuu siiyo Jeneraal Maxamed Xaashi oo dhaawac uu kasoo gaaray qaraxa lala beegsaday, isagoo tacsi u diray dadkii kale ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan todoba qof oo iskugu jiray ilaalada Taliyaha iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu ku jiro General Maxamed Xaashi Guuleed.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu burbur xoogan gaarsiiyey goobo Ganacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga Isbitaalka karkaal ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, sida lagu arkayey Muuqaalo laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay.

“Jeneraal Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya. Ilaah ha caafiyo” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Ibraahim Macalimu.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA QARAXA 

Exit mobile version