Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Xukuumadda oo ka Warbixisay howlgaladii laga fuliyay Magaalada Muqdisho

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in howlgaladii ay sameeyeen Ciidanka amniga ay kusoo qabteen boqlaal dhallinyaro oo ay ku jiraan kuwo burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray, kana qaaday jiray teleefoonada gacanta iyo waxyaabaha kale ee xiligaas wataan.

Wasiir Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada lasoo qabtay ay ku jiraan Ciyaar weero oo muddooyinkii dambe ay cabasho ka ahaayeen dadka kunool degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa, isla markaana qaarkood ragga la xiray, halka kuwo kalena baaritaano kadib lasii daayay.

Wasiirka amniga oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka ayaa tilmaamay inay socdaal qorshayaal badan oo lagu sugayo amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, lana kordhin doono howlgalada ay wadaan Ciidanka Booliska, si loo xaqiijiyo amniga Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version