Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Xildhibaano cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Baladweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hirshabeelle ay ku qabteen doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kursiga Koowaad ee oorashadii Maanta oo ah Hop#030 ayaa waxaa markale ku guuleystay Xildhibaan Daahir Amiin jeesow kadib markii uu tanaasulay Cali Cabdullahi Xeefow oo la tartami lahaa, wuxuuna helay dhamaan codadka Ergada oo ah 101 Cod.

Kursiga labaad ee HOP#010 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdirisaaq Axmed Maxamed ( Jindi) ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan  (Gureey) kadib markii uu tanaasulay Musharaxii latartamayay ee Cabdinaasir Maxamuud Cabdi.

Cabdimaalik Cabdalla ayaa ku guulestay doorashada kursiga Hope 066 kadib markii uu musharaxiintii la tartamayay kaga guulestay 58 cod.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan soo geba-gabeyn doona guud ahaan doorashada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Maamulkaas, waxaana u harsan 14 kursi oo doorashadooda lagu kala qabanayo 9 Magaalada Beledweyne iyo 5 lagu qabanaayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Exit mobile version