Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Dagaalkii lagu laayay Askarta

Madaxweynaha Xassan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hogaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taasoo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay wadaan.

Xasan Sheekh ayaa ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana al-shabaab ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeyd, ayna dhawdahay waqtigii guusha wayn laga gaari lahaa.

Waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee gobolka Galgaduud, kaasoo uu xusay in al-shabaab dacaayad been ah ka samaysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan al-shabaab ah dagaalkaas lagu dilay, kuwaasoo xabaal wadareed ay ku wada aastay, dhaawacoodiina ay dileen maadamaa aysan isbitaal u haynin, isagoo balan qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xabaal wadareedyada.

Madaxweyne Xasan ayaa ku goodiyey inuu la xisaabtamayo saraakiisha iyo masuuliyiinta sameysa dayacaada, isagoo carrabka ku adkeeyey in dowladi tahay ‘isla xisaabtan’.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version