Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Wasiir Beyle oo shaaciyay in Dowladii Farmaajo sameeysay xisaab-xir

Xarunta Shirarka Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hortegay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa ah miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022, waxaana Xildhibaannada labada Aqal ay su’aalo adag weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa Wasiirka weeydiiyay xisaab xirka laga rabay Wasiirka ee miisaaniyadda laga soo bilaabi sanadkii 2018-kii ilaa 2021, wuxuuna Wasiirka ku jawaabay.

” Xisaab xeradii wey yaalaan waxaana haysta Baarlamaankii 10aad oo meel mariyay, waxaana diyaar u yihiin in markale golaha horkeenaan oo shaqadoda ka gutaan hadii loobaahdo oo laba isbuuc lasiiyo.

Wasiir Cadbiraxmaan Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xisaab-xir ku maqan wasaaradda Maaliyadda, isagoona ku eedeeyay Baarlamaankii hore in aysan sameeynin xisaab xir.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caddeeyay in dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sameeysay xisaab xir maaliyadeed.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version