Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Magaalada Guriceel, kadib dagaaladii dhacay

Waxaa saaka deggan xaaladda Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada Guriceel oo shalay uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo dhex maray Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Galmudug oo dhinac ah iyo Xoogagga Ahlu-sunna.

Wararka aan saaka helayno ayaa soo sheegaya in xaaladda guud ay tahay mid deggan, waxaana sidoo kale lagu soo warramayaa in Ciidanku ay ku kala sugan yihiin goobihii shalay gabbalku ugu dhacay.

Dadka degaanka oo aynu la hadalnay ayaa soo sheegaya in aysan jirin wax dagaal ah oo socda, balse waxaa la filan karaa mar waliba in halkaasi uu dagaal ka qarxo mar kale, maaddaama labada dhinac ay I hor fadhiyaan.

Seddexdii maalmood ee aynu soo dhaafnay waxaa degmada ka socday dagaal xooggan oo khasaro badan dhaliyay, kaasi oo labada dhinacba ay Askar farabadani kaga dhinteen.

Sidoo kale waxaa ku barakacay dagaalka kumannaan shacab ah oo ku noolaa magaalada, iyadoo haatan laga soo dayrinayo xaaladda nololeed ee dadkaasi barakacay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version