Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Taliye Xijaar oo ku Baaqay in dib loo dhigo Doorashada Guddoonka GSH

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay amniga goobta Maanta lagu qabanayo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, halkaas oo ah Teendhada Afisyooni.

Wuxuu sheegay Taliye Xijaar in looga baahan yahay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo goobta lagu qabanayo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana la geeyo Ciidanka Booliska dowladda oo arrintaas u xilsaaran.

“waxaan u soo jeednaa inaan Teendhada habeen barkii tagno oo Ciidamo iyo Eeyo baara geyno, liiska dadka imaanaya anaga waxaa noo soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka iyo aqalka sare iyo xog-hayeyaasha sidii maanta la yeelay, waana been in boolisku u diiday guddoomiyaha KMG ah xarumaha Villa Hargeysa iyo Teendhada Afisyooni ee yaan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri Xijaar.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda  Jeneraal Xijaar ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, si laba maalin oo howlgal amni ah looga fuliyo Xarunta Teendhada Afisyooni.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version