Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Somaliland oo ku dhawaaqday in malaayiin Lacag Deyn ah lagu leeyahay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa Maanta ku dhawaaqay in Maamulka Somaliland lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan ah $45 milyan oo dollar, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiir Sacad Shire ayaa waxaa uu sheegay in lacagta deynta ee lagu leeyahay Somaliland ay gaareyso $45 milyan, isla markaana lacagtaas ay ku baxday kaabayaal, mashaariic horumarineed iyo arrimo la xiriira amniga iyo saanado Ciidan.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray Wasiirka Maaliyada in xogta deynta lagu leeyahay ay tahay mid keydsan oo ay u qorsheysan tahay in mid kastaba xiligeeda la bixiyo, isagoona xusay in Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ay deynta kala soo wareegtay Xukuumadihii ka horeeyay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version