Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Somaliland oo ku dhawaaqday in deegaannadeeda ka mamnuucday BBC-da

Maamulka Somaliland ayaa Maanta ku dhawaaqay Go’aan ay deegaanadiisa uga mamnuucay inay ka shaqeyso laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da laga leeyahay Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay go’aamiyeen inay joojiyaan in Idaacadda BBC-da ka hawl gasho degaannada Maamulka

Wasiirka ayaa BBC-da ku eedeeyay inay hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii Somaliland, isla markaana ku xadudubtay Somaliland, sidoo kalena, ayna aqoonsan waayeen in Somaliland tahay dal madax bannaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay BBC-da lumiyeen dhaqankii iyo wadashaqeyntii laga dhaxeeyay shacabka Somaliland, sidaas daraadeedna shaqadii BBC-da ay ka heyso degaannada Somaliland la joojiyay.

Wasiir Saleemaan Cali Koore si faah faahsan uma shaacin sababaha keentay in degaannadooda ay ka mamnuucaan ka shaqeynta Idaacadda BBC-da leenteeda Afka Soomaaliga.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA

Exit mobile version