Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Shirka Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore oo ka furmay Muqdisho

Shir u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka, Guddoomiyeyaal Baarlamaan iyo siyaasiyiin kale ayaa Maanta ka furmay Hotelka Decale ee Muqdisho.

Shirka oo Madaxdii hore ku casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo kamid yihiin xaalada dalka, amniga , la-dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka  dalka.

Xasan Sheekh oo shir guddoominaya shirka ka furmay Hotelka Decale ee Muqdisho ayaa Madaxda iyo siyaasiyiinta uga uga mahad-celinayay sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan oo diirada lagu saarayo Go’aankii dhawaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aadanaa doorashooyinka dalka.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Cabdi Farax Shirdoon iyo Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka cudurdaartay ka qeyb galka shirkaan Maanta ka furmay Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version