Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: RW Xamse oo ku hanjabay inuu bilaabayo Isla-xisaabtan, kadib weerarkii…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version