Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: RW Xamse oo ka hadlay Dagaalkii Liyuu Boolis la galeen Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay dagaalka cusub ee maalmahan Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab ku dhexmarayey deegaano ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa uu sheegay in dowlad deegaanka Soomaalida ay ka adkaatay Al-shabaab, isla markaana lasoo afjaray howlgal ballaaran oo Liyuu Boolis kula dagaalamayeen Al-shabaabkii ka gudbay xadka Soomaaliya uu Itoobiya la wadaago.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Ra’iisul Wasaaraha in weeraradii Kooxda Al-shabaab lagu soo afjaray dhowr beri, taasina ay Ciidanka dowlad deegaanka ka saaciday garab ay ka heleen shacabka oo xusay inay u muujiyeen taageero, sidaasina ay ku guuleysteen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumaddiisa ay xooga saari doonto amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA RW

Exit mobile version