Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: RW Xamse Barre oo ka dhawaajiyey Arrin culus oo Amnigiisa ku aadan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay Abaaraha baahsan ee xiligaan ka jira gudaha dalka ee saameynta ba’an ku yeelatay qoysas farabadan oo kunool degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xalay ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uusan ku qanci karin in dadka Soomaaliyeed ay u u dhamaanayaa baahi iyo biyo la’aan ka jirta dalka, ayna arrintaas ay dhalatay abaarta.

Wuxuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda in abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee dalka heysta ay sabab u tahay amni darrada dalka Soomaaliya, isla markaana wax kasta oo la qaban lahaa ay meesha ka saareyso qorshe la’aanta amni ee dalka ka jira.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayuu  Carabka ku dhuftay inay adag tahay inuu aqbalo in amnigiisa ay sugaan dad ajnebi ah, iyo in Magaalooyin Soomaaliyeed oo aad isugu dhow diyaarad loogu kala safro, sababo amni dartood.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version