Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: RW Xamse Barre iyo Rooble oo kormeeray xarunta cusub ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda oo heer gabo-gabo ah maraya.

Labada Ra’isul Wasaare Kormeerka ku tagay xarunta cusub ee loo dhisayo Xukuumadda Soomaaliya iyo Guriga Ra’isul Wasaaraha waxaa ku wehliyay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya .

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta cusub ee loo dhisayo xukuumadda iyo guriga Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna warbixin ka dhageestay guddiga gacanta ku haya dhismaha xarumahan.

Dowladda Qatar ayaa bixisay dhaqaalaha lagu dhisay xaruntan cusub ee xukuumadda ku shaqeeneyso iyo guriga Ra’isul Wasaaraha, waxaana xarunta dhismihaeeda hadda mareysa heer gebogebo ah.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA KORMEERKA

Exit mobile version