Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-RW Rooble oo xillalkii ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Khilaafaadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah xilka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Xubnaha Guddiga Khilaafaadka ee xilka qaaday ayaa waxaa lagu eedeeyay inay lumiyeen Madaxbanaanidii guddinimo, iyagoo ku milmay siyaasadda, isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada dalka ka dhaceysa.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan ujeedooyin kala duwan u isticmaaleen xilka lagu aaminay, sidoo kalena ka dhago adeegeen tallooyin iyo Digniino loo diray oo la xiriira ka waan-toobida falalka ay ku jireen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa dhammaan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer maamul Goboleed faray inay dhowraan anshaxa doorashooyinka, isla markaana ka fogaadan ku milmida Arrimaha siyaasadda dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version