Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-RW Rooble oo xilkii ka qaaday Wasiirkii A/Dibadda iyo Wasiiro kale oo loo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Rooble ayaa waxaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah loogu magacaabay inuu noqdo Cabdisaciid Muuse Cali, halka Wasiir-ku xigeenka Arrimaha Dibadda loo magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni)  oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version