Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Rag weerar ka geysan rabay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Taliska ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay soo Bandhigay rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir, sida uu shaaciyay Afhayeenka ciidamada Booliska

Afhayeen Sadiiq Duudishe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegya in laba Nin hubeysan oo doonayay inay dilal ka geystaan degmooyinka Kaaraan iyo Kaxda lasoo qabtay, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Mooto Bajaaj ay wateen iyo hub.

Sidoo kale waxaa Kaaraan lagu toogtay hal nin oo ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo doonayey inay weeraraan saldhigga booliska ee degmada Kaaraan, waxaana xusid mudan in ninka laga soo qabtay Kaaraan ay dhalinyarada degmadaas soo qabteen.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ragaan lasoo qabtay ay aad u adeegsanayeen mooto Bajaaj-ta, “dhamaan howlaglladaas sameynay waxaan ku ogaanay in mooto Bajaajyo badan ay ku lug lahaayeen dembiyada dhacay,” ayuu yiri.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version