Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Qoorqoor oo ku dhawaaqay xiliga uu bilaabayo Doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in maalmaha soo socda ay bilaabaneyso doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug, xili Jadwalka doorashada uu dib u dhac uu ku yimid.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in shanta kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha Shacabka lagu qaban doono shan maalin guhadooda, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan kuraasta loo shaacin doono.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Maamulkiisa diyaar u yahay qabashada doorashada, isagoona Guddiga doorashooyinka Galmudug ka dalbaday inay dardar-geliyaan howlaha doorashada Golaha oo uu xusay inay muddo dhaaf noqotay.

Qoorqoor ayaa Carabka ku dhuftay inay culyska mas’uuliyada doorashada ay la qeybsanayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna Madaxda maamul Goboleedyada ka rajeeyay inay bilaaban doorashada Golaha Shacabka.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka sheegay Munaasabad Casho sharaf aheyd oo xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

Exit mobile version