Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Qodobada Maanta uu ballan qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabaddii caleema saarkiisa ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah qodobada aas aasiga u ah dowladdiisa, sida xasillinta dalka, horumarinta nidaamka federalka, xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada iyo sare u qaadidda iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay sida ay ahmiyad weyn ugu leedahay dowladnimada Soomaaliya wada shaqeyn iyo wadatashi uu dastuurka sal u yahay oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xiriirka ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya aduunka la yeelan karto uu yahay mid ku qotoma ganacsi iyo iskaashi dhaqaale isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaan in ay yihiin kuwo dhinaca hal abuurka ganacsi ku wanaagsan.

Dhinaca amniga, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu sheegay in iskaashi lala yeesho dunida inteeda kale, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ay wax weyn ka tari doonto.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu xusay in Geeska Afrika iyo gaar ahaan  Soomaaliya ay abaar ba’an oo isu bedeli karta macaluul ay ka jirto, taas oo saameysay boqolaal milyan oo dad ah, maadama ay abaartu noqotay mid dalka sanad walba ku soo noq noqota, sababna ay u yohiin arrimo badan oo isu tagay, waxa uu ballan qaaday in dowladdiisu ay ahmiyad weyn siin doonto si wax looga qabto.

Madaxweynaha Jamhuuradda, Xassane Sheekh waxa uu sidoo kale bidhaanshay in dowlada ay ku shaqeyn doonto siyaasad arrimo dibadeed oo dhex dhexaad ah, ku saleysan in saaxiib lala noqdo dal walba oo ixtiraama madax bannaanida iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version