Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Qarax khasaaro badan dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayad ku dhex taalla xerada Barakacayaasha Badbaado ee ku taalla degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday maqaayad ku dhex taalla xerada Badbaado, halkaas oo ay la sheegay inay ku sugnaayeen dad isugu jiray Askar ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka iyo dad shacab ah ah.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa oo ahaa mid xoogan oo jugtiisa la maqlay ay ku dhinteen 6 ruux oo isugu jiray Askar dowlad iyo dad shacaba ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen 8 qof kale oo kamid ahaa dad halkaas joogay.

Haweeney laheyd maqaayada oo uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegtay in dadka waxyeelada kasoo gaartay aysan helin gurmad deg deg ah, waxaana ay tilmaamtay in dadka dhaawacyada qabay dhowr daqiiqo kadib goobta looga qaaday Mooto Bajaajto,

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version