Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Odey 65 jir ah oo Muqdisho loogu dilay 5 kun Sh. So & Booliska oo hadlay  

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qaada canshuurta ee loo yaqaan minishiibiyada ayaa Maanta gudaha Suuqa degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ku dilay Odey Ganacsade danyar ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsadaha oo caan ka ahaa Suuqa Xamar-weyne loo dilay lacag dhan 5 kun shillin Soomaali ah oo uu Askariga falka geystay doonayay inuu Ninka uga qaado canshuur ahaa, balse uu dilay

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadaq Doodishe ayaa sheegay in ciidamada Booliska gacanta ku hayaan askari dil u gestay nin 65-sanno jir ahaa oo lagu magacaabayay Abuubakar Maxamed Nuurani.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si micno darro ah mararka qaar u dila dad shacab ah, ciidamada dilalka gesta ayaa qaarkood baxsadaan halka kuwa kalana xabsiyada ku jiraan iyaga oo xukuno lagu riday.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version