Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Nin Muqdisho ku dilay Ganacsade caan ahaa oo isna toogasho lagu dilay

Nin ku hubeysnaa Bastoolad ayaa fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cali Cabduqaadir Muudey oo siweyn looga yaqaanay degmadaas.

Marxuum Cali cabduqaadir ayaa waxaa la toogtay, xili uu kusii jeeday Masaajid oo ku soo dukan lahaa Salaad, isagoona u geeriyooday rasaas qeybahada sare ee jirka looga dhuftay, waxaana si dhaqsi goobta falka uu ka dhacay u tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

Ninkii hubeysnaa ee dilka geystay oo isku dayay inuu goobta ka baxsado ayaa isaga iyo Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda waxaa dhexmaray israsaaseyn socotay muddo daqiiqado ah, wuxuuna Ninka galay guri ku yaalla degmada Dharkeenley.

Ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa qeybta Galbeed ayaa markii dambe toogasho ku dilay Ninkii dilay Ganacsade Cali Cabduqaadir Muudey oo siweyn looga yaqaanay degmooyinka Dhankeeley iyo Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo badanayey dilal qorsheysan oo geysanayaan rag ku hubeysan Bastoolado, waxaana habeen hore Nabadoon caan ahaa lagu dilay xaafadda Juungale ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version