Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: MW Xasan Sheekh oo si kulul uga jawaabay Go’aankii Maamulka Puntland

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aankii maalmo kahor ay dowlad Goboleedka Puntland shaacisay, kaasi oo ahaa inay u dhaqmeyso sida dowlad madax banaan oo Go’aani gaari karta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlaayay Shirka arrimaha Garsoorka dalka ee ka furmay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay si qaldan loo fahmay nidaamka Federaalka, isla markaana aan la kala qaybin karin dalka.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo aysan jirin dowlad kale, balse ay jiraan maamul Goboleedyo xubno ka ah dowladda Federaalka.

“Dalka in la federaaleeyo micnaheeda ma aha in dalka uu kala tego oo qofba meesha ay rabto ay iska aadi karto ma aha. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe maamul goboleedyadana ay mas’uul ka yihiin arrimaha gudaha ee maamulladooda.

HALKAAN KA DAAWO MUUAALKA 

Exit mobile version