Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: MW Biixi oo ka hadlay Khilaafka Doorashada iyo Banaanbxyadii dhacay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xisbiyada mucaaradka ka dhigeen Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaayay Munaasabad xalay ka dhacday Magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa uu sheegay in marnaba ay diidaneynin in doorashada Madaxtooyada Somaliland lagu qabto waqtigii loogu tala-galay, ayna diyaar u yihiin.

Wuxuu tilmaamay Madaxweyne Biixi in muwaadin kasta oo xaq u leeyahay inuu dhigo banaanbax, hayeeshee Madaxda xisbiyada Mucaaradka looga baahan yahay inay Xukuumadda Codsi u soo gudbiyaan, maadaama amniga guud ay Xukuumadda mas’uul ka  tahay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Xisbiyada mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu doonayo muddo kororsi, wuxuuna sheegay in uusan laheyn awoodaas, isla markaana uu diyaar u yahay in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan.

HALKAAN KA DAWO MUUQAALKA

Exit mobile version