Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Turkiga iyo Booliska oo qaaday…

Muwaadin Soomaaliyeed balsa heesta dhalashada dalka Canada ayaa lagu dilay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana dilka muwaadinkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya fuliyay kooxo burcad ah.

Baashi Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee degan dalka Canada, gaar ahaan magaalada Toronto ayaa koox burcad jug culus gaarsiiyeen xili ay dhac u geesanayeen , dhaawaca ayuuna Baashi ugu dhintay isbitaal la dhigay.

Ciidamada amaanka dalka Turkiga ayaa howlgal ay sameeyeen la sheegay in ay kusoo qabteen labo nin oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka iyo dhaca loo geestay muwaadinkan Soomaaliyeed.

Baashi Xoosh ayaa caan ka ahaa dalka Canada gaar ahaan waxaa aad loogu yaqaanay in dadka ku cusub Canada iyo guud ahaan Soomaalida dalkaasi ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga, iyo dib u dejinta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version