Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay qabashada Shirweyne oo…

Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha oo soo saaray War-saxafadeed ayaa shaaciyay in ay qaban donaan Shirweyne Wadatashi oo ay kasoo qayb geli doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

War-Saxaafadeedka Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha  ayaa waxaa  sidoo kale lagu sheegay in la magacaabi doono 2 guddi, kuwaasi oo kala ah Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.

Golaha ayaa caddeeyay in aysan jirin cid iska xil saartay joojinta boobka doorashada Golaha Shacabka iyo taaba-gelinta tallooyinka lagu saxayo, sidoo kalena Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada aysan dan ka laheyn doorasho daahfuran oo dhacda.

Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay inay magacaabayaan Guddiga qaban-qaabada Shirweyne Wadatashi ah iyo Guddiga amniga Shirkaas, in kastoo aan la shaacin waqtiga la qabanayo iyo halka uu ka dhacayo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

Exit mobile version