Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka jawaabay eedeyntii Boqor Buurmadow, Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin kale u jeediyeen Ra’iisul Wasaare Rooble, taasi oo ay aheyd inuu boobayo doorashada Gobolada Waqooyi.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka raalli-gelinayo hadaladii edeynta loogu jeediyay, wuxuuna xusay in Xafiiska Rooble uu hoggaamiye ka yahay fududeynta iyo hagida doorashada.
Waxa uu tilmaamay Mahdi Guuleed in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta uu yahay muraayadii Qaranka oo uusan aheyn meel Cabdala Shideeye ah ama goob foojari lagu sameeyo, isagoona raalli-geliyay Rooble.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa caddeeyay in aan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada doorashada dalka ee heshiiska laga gaaray, isla markaana ciddii ka hortimaada loo aqoonsan doono qas-wadeyaal.