Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Madaxweynihii hore ee K/Galbeed oo ka hadlay sababta loogu diiday Safarkii Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saaka loo diiday inuu u safro Magaalada Baydhabo laguna celiyay Garoonka Aadan-Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay is’hor-istaagii lagu sameeyay.

Shariif Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabada Maanta lagu sameeyay ay aheyd mid uusan fileyn, isla markaana loo diiday diyaaradii u kireysneyd inay u duusho Baydhabo.

“Safarkayga Magaalada Baydhabo shalay ayuu qorsheysnaa balse waxaa la ii sheegay in wax diyaarad ah aysan baxeyn, Maanta markii aan isku dayay inaan u duulo Baydhabo waa ii diiday” ayuu yiri Shariif Xassan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) inuu bixiyey amarka lagu joojiyey safarkiisa uuna inkiray malaaqii Beeshiisa ee lahaa saxiixa kursiga Hop261, wuxuuna ka cosdaday inuu joojiyo ficilada uu wado.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version