Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xamza Cabdi Barre u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka loo igmaday. Wuxuu sheegay in Xamze uu yahay nin aqoon iyo karti u leh xilka uu u magacaabay, isaga oo ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan ra’iisul wasaaraha

Xamse Barre ayaa hore u soo noqday Xoghayihii xisbiga Madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.

Xamza Cabdi Barre u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version