Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Madaxweyne Qoorqoor oo si adeg uga hadlay Dagaalka Guriceel Digniina diray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay Xaaladda Galmudug.

Madaxwenaha ayaa ugu horeen shacabweenaha Galmudug uga tacsiyeyay l dadkii ku dhintay dagaaladii xooganaa ee maalmihii ka dhacayay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ahlusunna Waljamaaca ayuu Madaxweyne Qoorqoor sheegay inay xoog ku qabsadeen Guriceel oo ay dhibaato ka geysteen, isla markaana ku eedeeyay inay fowdo iyo qas abuureen, lagana guuleysan doono.

Madaxweenaha ayaa soo saaray guddi Ka kooban golle Wasiiro iyo maamulka degmada Guri-Cel kuwaas oo loo xilsaaray in ay gar gaar iyo mucaawino wixii ay Dowlad Goboleedka Galmudug awoodo lagaaraan dadka soo barakacay ee maatida ah ee Ku dhibaateesan geedaha hoostooda.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ugu danbeyn ugu baaqay dadka reer Galmudug dal iyo dibedba in ay taageeraan shacabka dhibaateysan ee la soo barakiciyay

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version