Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Madaxweyne Qoorqoor oo qeylo-dhaan kasoo saaray Abaarta Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay oo xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Abdirahman Abdishakur Warsame, oo shalay duhurnimadii gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoob ka ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu danbeyntii baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version