Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Madaxweyne Lafta-gareen oo Maanta magacaabay Wasiir cusub

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay shan wasiir cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada maamulkiisa.

Wasiiradan cusub uu magacaabay Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu bedelay wasiiro horey uga tirsanaa maamulka balse kamid noqday Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirada cusub uu magacaabay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in dhawaan la dhaariyo sidoo kale si rasmi ah xilalka ula wareegaan, waxa ayna wasiiradan buuxinayaan boosaskii ay baneeyeen Wasiirada Xildhibaanada noqday.

Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u Akhriyey wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ee Wasiirada lagu magacaabay

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version