Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Madaxweyne Guudlaawe oo shaaciyay khasaaraha Qaraxii Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu weeraray hotelka Nuur Doob.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo shir Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa aad u cambareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu weeraray hotel ay degnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, wuxuuna Madaxweynaha Hirshabeelle xaqiijiyay  in qaraxa ay ku dhinteen saddex ruux oo uu xusay inay ku dumeen guryo, halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Maanta.

Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isla markaana waxaa uu Caafimaad u rajeeyay mas’uuliyiintii iyo iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxa oo burbur baaxad leh u geystay dhismayaal badan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version