Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo oo Maanta kulan la yeelanaya Amiirka Dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saari doonaa sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda Booqashada Madaxweynuhu ay u  leedahay mustaqbalka iskaashiga labada dal, iyada oo Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQALKA

Exit mobile version