Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Ma Dhabbaa in Somaliland ay Madaxda DF u ogolaatay ka qeyb galka Aaska Hadraawi

Somaliland ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha Bulshada oo sheegayay inay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya u ogolaatay ka qeyb galka Aaska Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Aaska Abwaan Hadraawi ayaa been abuur ku tilmaamay warka la faafiyey ee ahaa in Madaxda DFS u ogolaadeen ka qeyb galka aaska loo sameeynayo Marxuum Hadraawi.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in hadalkiisa si khaldan loo turjumay, wuxuuna caddeeyay Wasiirka in hadalkiisa uu ahaa oo kaliya in cidii soo codsata ka qeyb galka aaska ay ka Jawaabayaan

Gaba-gabadii Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shaaciyey in marxuum Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) lagu aasi doono maalinta berri Magaalada Hargeysa gaar ahaan qabuuraha Baqiiq.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA KAAHIN  

Exit mobile version