Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Laamaha Amniga DF oo ka shiray Caleem-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimada  Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis taasi oo dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Bulshada Caasimada ayaa looga codsaday shirkaan in dulqaad iyo adkeesi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, taasi oo Caasimada ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimada.

Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in mgaalada Muqdisho ay ka dhacdo 9 bishaan oo ku beegsan maalinta khamiista ee todobadlkaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALO

Exit mobile version