Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Howlgal burburin ah oo xalay laga fuliyey Muqdisho iyo Digniin la diray…

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa howlgal lagu burburinayay dhismooyinka sharci darada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka ka fulisay Degmada Kaaran, iyadoo howlgalkaasi uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Bur-burintaan ayaa laga fuliyay inta u dhaxeysa Isgoyska jiirada illaa Xaawa Casir, iyadoo uu noqon doono mid sii socda si loo fuliyo amarka Duqa magaalada Muqdisho ee ku aadan in aan marnaba la aqbali doonin goobaha sida sharci darrada loo dhistay hareeraha waddooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qeyb ka tahay bilic soo celinta Caasimadda, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’antahay joogteynta bur burinta dhismayaasha sharci darrada ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka burburinta ah uu sii socon doono, wuxuuna ugu baaqay Ganacsatada dhismayaasha sharci darrada ah dhisanaya inay joojiyaan ama Goobahooda Ganacsiga laga burburin doono.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version