Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Hoggaamiyaha SSC oo siweyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Wasiiro, xildhibaanno katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay wafdi ballaaran uu horkacayo hoggaamiyaha SSC Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay soo dhaweynta ayaa sheegay in ay wafdiga kusoo dhoweynayaan caasimadda midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho taasi oo horay taageero u muujisay deegaannadaasi, isaga oo intaa raaciyay in muddada ay joogaan kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya .

Hoggaamiyaha SSC Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo dhankiisa ka fal-celiyay soo dhaweyntiisa ay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in lagu soo dhoweeyey gurigii umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Mudane Firdhiye ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho u yimaadeen kadib casuumaad ay ka heleen xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ay mar walba ka go’antahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version