Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Dalab u diray Midowga Musharaxiinta

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa sheegay in habraacada ay ku shaqeeyaan Guddiga ay yihiin kuwo hore loo dejiyay oo ay saxiixeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin RW Rooble iyo Maamul Goboleedyada.

Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Xuseen Maxamed Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Guddiga uu go’aamiyey laba Dacwo oo loo gudbiyay oo ka kala yimid kuraasta HOP239, iyo HOP67, kadib markii ay baaritaano ku sameeyeen, ayna mareen habraacyo sax ah,

Guddoomiye Xuseen Maxamed ayaa Carabka ku dhuftay in aysan koox iyo nidaam gaar ah u adeegeynin oo ay u shaqeynayaan sidii ay u kala saari lahaayeen Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ku qanci waaya Natiijada kasoo baxda doorashooyinka dhacaya.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa Midowga Musharaxiinta ka dalbaday inay joojiyaan waxyaabaha ay dadka ku kala fogeenayaan oo ay ka sheegayaan Guddiga Khilaafaadka, iyagoona ka Codsaday in wixii tabasho ah ay qabaan ay kala hadlaan Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Xuseen Maxamed ayaa qiray inay soo gaaran cabashooyinka ay la kulmaan cadaadis xoogan oo kaga yimaada dhinacyo kala duwan, in kastoo uusan shaacin halka ay uga yimaadan, isagoona dalbaday in cadaadiska laga daayo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version