Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Guddiga qiimeeynta xaaladda Garbahaareey iyo Jubbaland oo kulan yeeshay

Madaxweyne kuxigeenka koobaad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa daahfuray kulankii koobaad ee ay Guddiga uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland (Garbahaarey) ay la yeeshaan siyaasiyiin Jubaland ee kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Wakiilada labada gole ee oo deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Gedo xubno ka tirsan aqalka sare iyo siyaasiiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa goobjoog ahaa kulanka.

Wakiilada ayaa guddiga u gudbiyey warbixin soo koobeeysa caqabadaha ku xeeran in doorasho lagu qabto deegaan doorashada labaad Garbaharey iyo xalkeeda.

Madaxweyne ku-xigeenka koobaad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo hadlay ayaa sheegay in guddiga ay u gudbiyeen dhowr caqabadood oo hortaagan in Garbahaareey doorasho lagu qabto iyo sida uu xalka noqon karo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version