Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Golaha Wasiirada oo Maanta kulan uga furmay Muqdisho (Qodobada kulanka)

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo talaado ah waxaa Magaalada Muqdisho uga furmay kulan loogu magac daray Barnaamijka Banbaxa ee Golaha Wasiirada.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo furay Shirkan ayaa dardaaran u jeediyey xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo uu ugu baaqay inay la yimaadaan waxqabad muuqdo.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada iyo  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Waa kulankii labaad oo ay isugu imaanayaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse, tan iyo markii la soo dhisay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version