Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Golaha Wadatashiga oo waqti cusub u qabtay dhameynta Doorashada

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulam  fogaan arag ah oo looga hadlay qodobo dhowr ah oo khuseeya xaaladda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka gaar  ahaan doorashada Golaha Shacabka ee socota.

Kulankaan oo uu shir guddoominaayey R.wasaare Rooble ,waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaga Gobolka Banaadir, iyadoo  looga hadlay Ajeendayaal ay ka mid ahaayeen xaaladda doorashada, Xal u helista caqabada jira ,soo gabagabeyta doorashada iyo abaaraha ba’an ee ka jira dalka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay mar kale isku raacay in doorashada Golaha Shacabka lagu dhammeeyo 15-ka bisha soo socota ee Maarso, xili Maanta ay ku egtahay waqtigii hore loogu qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada socota.

Golaha Wadatashiga ayaa isla gartay in Ra’iisul Wasaare Rooble oo la tashanaya Madaxweyne Axmed Madoobe uu Guddi u diro Magaalada Garbahaareey, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda Garbahaareey oo lagu qabanayo doorashada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version