Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Gacan ka hadal dhexmaray Xildhibaanada Somaliland iyo Booliska

Waxaa Maanta gacan ka hadal iyo buuq uu dhexmaray Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, kuwaas oo u kala safnaa Muxaafid iyo Mucaarar.

Buuqa iyo gacan ka hadalka ayaa salka ku haayay kadib markii laysku qabtay sharcinimada xeerka furista ururada siyaasada, taas oo shalay Xukuumadda Somaliland ogolaatay.

Ilaa 45 Xildhibaan oo taageersan go’aanka Guddoonka Golaha Wakiilada ee ah in aan wax dood ah la gelin xeerkaas, sidaasina lagu meel mariyo kuwaas oo ah kuwa muxaafidka ayaa diiday inay fadhiga Golaha galaan, waxaana buuqa uu isku bedelay in laba kamid ah Golaha Wakiilada ay is feeraan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Somaliland Siciid Giire ayaa sheegay in fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada uu ahaa sharci darro, isla markaana xeerka siyaasadda marba hadii uu kasoo gudbay Madaxweynaha uu ansax yahay.

Qaar kamid ay Xildbibaannada Golaha Wakiilada ee ka kala socda muxaafid iyo mucaarad ayaa muddo saacado ah isku heystay Gudaha Xarunta Baarlamaanka, waxaana sidoo kale uu gacan ka hadal dhexmaray Ciidamo Boolis ah oo mararka qaar rasaas ridayay iyo Xildhibaannada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version