Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Ergeyga Abaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayey oo tagay Magaalo Go’doonsan

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

U-jeedka socdaalka Ergeyga oo ay wehiliyaan xubno ka socda Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaaada.

Ergeygu Kaamamka aadka u daran ee uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah, MADIINO & WADAJIR, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 9,000 oo barakacayaal ah, sidoo kale wuxuu tagay ceelka ‘Bashiir Xaaji’ oo barakacayaashu biyaha ka cabaan, kaas oo hadda qarka u saaran inuu xirmo, sababo la xarrira inuu iska bixi la’yahay shidaalkii matoorka.

Buulo-burde waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ku qulqulayaan dadka abaaraha ku ceyrtoobay, kadib afar xilli roobaad oo baaqday, isla-markaana ay yar tahay rajada laga qabo in ay si buuxda u hoorto Deyrta (Autumn) la sugayo bilaha September, October iyo November.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version