Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Cumar Filish oo isla-xisaabtan ku bilaabay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa intii uu socday looga hadlay arimo dhoor ah oo ay kamid ahaayeen sugida nabadgalyada, la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha, ka hortaga rabshadaha, dib u furista wadooyinka sida sharci darada loo dhistay, Kor u qaadista Nadaafada.

Duqa magaalada Muqdisho ayaana maamulada degmooyinka qaarkood ku canaantay in aysan qaban shaqooyinkii loo igmaday, waxa uuna si cad ugu sheegay in talaabo laga qaadayo maamulkii gaba shaqada loo xilsaaray.

Kulankan isla xisaabtanka ayaa imaanaya xili amaanka magaalada Muqdisho mudooyinkan sii xumaanayo ayna ka dhacayaan dilal, waxaa sidoo kale xaafadaha qaar kusoo batay burcad iyo kooxo maandooriyaha isticmaala oo dadka dhibaateeya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version