Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Dowladda Soomaaliya oo maanta shaacisay Warbixin cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamada xoogga dalka ay fuliyeen deegaano ka tirsan dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howlgalladii u dambeeyey  ku dileen 200 oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xaalladihii iyo isbeddeladii ugu dambeeyey ee ku guulaysatay Dowladda soomaliya.

Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay u suurtagashay shalay subaxnimadii Talaadada in ay gacanta ku dhigaan sarkaal lagu magacaabo Salmaan Daadir oo ahaa sarkaalkii qaraxyada u qaabilsanaa ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug, oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Waxa uu Wasiirku carabka ku dhuftay in shacabka Soomaaliyeed ay bilaabeen inay ka jawaabaan awaamiirta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku aadanaa sidii loo ciribtiri lahaa Al-shabaab.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version