Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Dowladda Shiinaha oo Gaadiid dagaal ku wareejisay Taliska Ciidanka Xoogga

Dowladda Shiinaha ayaa Maanta oo jimco ah Agab ka kooban koobnaa gaadiid nooca dagaalka & agab kale oo Milateri ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Dekedda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao kala wareegay gaadiidka iyo agab kale oo Milateri.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliye Odawaa ayaa dowladda Shiinaha mahad celiyey gaadiidka Ciidanka ee ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isna munaasabada ka sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyey uu ku soo aaday xili si weyn loogu baahnaa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version