Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Dowladda oo Maanta shaacisay tirada Akoonada ay ka xirtay Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta faah faahisay halka uu marayo dagaalka dhaqaale ay dowladda kula jirto dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib shir jaraa’id uu Muqdisho ku qabtay  Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Wasiir Al-cadaala ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ku guuleysatay inay xirto 250 Akoon iyo 70 Lambar oo Al-shabaab dadka lacagta ugu qaadi jireen, wuxuuna xusay in xogaas lagu helay in shacabka ay lasoo xiriireen lambaradii hore loo baahiyay.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed ee bixiyey macluumaadka lagu xiray 250 Akoon-ka, isagoo tilmaamay inay dowladda ay sii wadi doonto beegsiga Akoonada Shabaabka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 23-kii bishii October ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version