Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Doorashada Kursigii ugu adkaa ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Galmudug

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa habeenimadii xalay  aheyd ka dhacday doorashada hal kursi oo ahaa mid adeg oo ay ku loolamayeen afar haween ah.

Kursigan oo ay ku fadhiday Ubax Tahliil Warsame ee doorashadiisu ka dhacday Gaalkacyo ayaa waxaa ku soo baxday Xildhibaanad Qaali Cali Shire ka dib labo wareeg oo doorasho ah la isla aaday.

Doorashada wareega 1-aad ayaa waxaa ku haray laba Musharax oo kala ahaa Hodan Cabdullaahi Shire oo heshay 17 Cod iyo Ayaan Xuseen Xasan oo heshay 8 Cod, waxaana wareega labaad u gudbay Ubax Tahliil Warsame oo heshay 44 Cod iyo Qaali Cali Shire oo heshay 32 Cod.

Gelinkii hore ee shalay subax ayaa lagu wady in la qabto doorshada kursigan Golaha Shacabka, balse dib ayey u dhacday saacado badan ka dib markii uu hareeyey muran ka dhashay ergada la soo xulay oo ka dhexeeyey Musharaxiinta qaar.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

Exit mobile version