Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: DFS oo sheegtay in Puntland ay xaraashtay xero Ciidan

Hanti dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in uu xaraashay qaar kamid ah xeryihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Mudug.

Hanti dhowraha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay maamulka Puntland, inuu 20 milyan oo dollar ku gatay labo kamid ah xeryahaas oo lagu kala magacaabo, Warshaddii Kabidda iyo xero Siinaay, oo kuyaalay magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay lacagta kasoo baxday labadaas xero in lagu daray mashruuca dhismaha dekeda Garacad. Hanti dhowruhu waxa uu sheegay dhaqaalaha lagu iibiyay labada xero in ay yihiin dhaqaale ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, loona baahan yihiin in lagu xisaabtamo.

Hanti dhowruhu wuxuu sheegay, inay gacanta Dowladda ka maqan yihiin in ka badan 400 oo ah hanti ma guurto ah, kuwaas oo uu tilmaamay inay gacanta ku hayaan hay’ado gaar ah, ururo iyo shakhsiyaad gaar ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version